{TOPNEWS} Beesha Caalamka Oo Ka digay Musuq Maasuq lagu Wado inay Dhacdo Doorashada Somalia.
Iyadoo ay beesha caalamka shalay kasoo saartay war saxafaadeed walaaca ay ka qabto dib u dhacyada doorashooyinka hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya ayaa waxaa soo badanaya cabsida ay bulshada Soomaalida ka qabto aayaha siyaasadeed ee dalka.
Dadka ka faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dib u-dhacyada is xig xiga eek u imanaya doorashooyinka baarlaaminga iyo kuwa madaxweynaha ee Soomaaliya ay dhaawici karto kalsoonida lagu qabi karo doorashooyinka mustaqbalka dhaw iyo kan fog.