“DEG-DEG” Dowlada Galmudug Oo Ku Gacan Seyrtay Codsi Uga yimid Jubaland.

Sida ay xaqiijiyeen madax katirsan galmudug state oo kusugan magaalada cadaado dowlada galmudug ayaa diiday codsi iyo casuumaad madaxda jubaland ay usameyeen galmudug si loo xaliyo dagaalada kasocda magaalada gaalkacyo.

masuuliyiin katirsan galmudug ayaa sheegay inay jubalnd soo jeedisay in ay shir dib uheshiisiin ah u qabanayso madaxda Puntland iyo galmudug kaas oo ka dhacaya kismaayo hasa ahaatee masuuliyiinta galmudug ayaa sheegay inay jubalnad dhex dhexaad ka noqon Karin heshiiska labada dhinac isla markaasna uu horey ula saftay Puntland uuna ciidamo usoo diray dagaalka gaalkacyo kuwaasi oo qaarkood lasoo bandhigay,

dowlada galmudug waxa ay sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadal ay lagasho Puntland hasa ahaatee ay ku kalsoontahay maamul kamax banana xiisadaha ka taagan gaalkacyo,galmudug-1


Shabakada Galmudugnews.net Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail info@galmudugnews.net

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Galmudug News Tv