Akhri Wasiir Odowaa oo dhiiga ku kariyay Majeerteen

Galmudugnews.net – Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ka careeysiiyay beesha Majeerteen kadib markii uu bartiisa Facebook ku qoray guulahii Ciidanka Galmudug gaareen ee qabsashadii Waqooyiga Galkacyo.

Odowaa-facebook

Odowaa ayaa Facebook ku soo qoray 28 November 2015 “Waxaan Caawa si nabadda ku soo galnay Galkacyo waxaana u mahadcelinayaa Ciidanka Galmudug oo si weyn noogu soo dhaweeyay Magaaladda”
“Waxaan ku talinay iney Ciidamadda Galmudug ka baxaan Waqooyiga Galkacyo si loo ilaaliyo nidaamka xaduudaha waana ka rajeeynayaa iney aqbali doonaan”
{Intii ku dhimatay Colaada allaha u naxariisto ,inta dhaawacantayna allaha caafiyo}

odowaa1

Wasiir Odowaa sheekadda intaas ugama harin ,wuxuuna soo qoray 29 November 2015 “XAAFADAHA CIIDANKA GALMUDUG QABSADEEN EE WAQOOYIGA GALKACYO WAAN KA SAAREEYNAA BERRITO”

odowaa2

Kumanaan qof oo Majeerteena ayaa Comments ku caayay Wasiir Abdirahman Odowaa oo loo aqoonsaday inuu yahay Halyeey u soo baxay beesha Habargidir.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo aan dheg jalaq u siin caayda iyo hanjabaadaha ka soo baxa bulshadda Majeerteen ayaa 3 December 2015 wuxuu mar seddexaad soo qoray iney Puntland ka baxday heshiiskii la kala saxiixday ee Xabad joojinta.

Odowaa wuxuu qoraalkiisa ku yiri :

Heshiiskii lagu kala saxiixday Galkacyo waxaa si cad uga baxay Puntland sidaas darteed waa in si degdega loo soo xiraa Jeneral Careeys.
Waxaa la joogaa waqtigii cadaaladda aan horgeyn laheyn kuwa caadeeystay iney dadka u laayaan micno daro.
Waa yaab iyo amakaag dadka aan nabaddana wax ka gooyn colaadana wax ka gooyn.

By Jamal Abdinur

Muqdisho – Somalia


Shabakada Galmudugnews.net Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail info@galmudugnews.net

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Nijaas calasoow nacalaa ku taaaal isku dirka. Joooji dadkana. Magacooda. U dhaaf. Khaniis yahoow




Galmudug News Tv