Liiska Magacyadda dadkii Galmudug uga dhintay Dagaalka Galkacyo iyo Galmudug oo qabsatay Garoonka ilaa Cagaarweyne ?

dagaalka-galkacyoGalmudugnews.net – Ciidamo uu wato Jeneral Careeys oo u dhashay beesha Majeerteen ayaa isku dayay iney weerar gaadmo ah ku soo qaadaan fariisamaha Ciidamadda Galmudug ka fadhiyaan jiidda hore ee xaafadda Cagaarweyne.

Ciidanka Galmudug oo ka warqabay inuu Jeneral Careeys saanad Melleteri kala yimid Jigjiga ayaa markiiba fooda daray .Ciidanka Jeneral Careeys wato waxeey Madaafiic ku garaaceen Hotel-ka Faadumo Dacaleey laakiin Ciidanka Galmudug ayaa markiiba ka jawaabay.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa caawa ku dhamaaday 6 Vs 0 kadib markii Ciidanka Galmudug la wareegeen gacan ku heeynta Hotel Amal Plaza,Xaafadda Cagaarweyne iyo Garoonka diyaaradaha Magaaladda Galkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo caawa soo hadlayna wuxuu sheegay iney xabad joojinta jibiyeen Ciidan uu sheegay ineysan isaga ka amar qaadan oo Jeneral Careeys u madax yahay.

Ciidanka Galmudug ayaa ugu dambeeyn waxeey xira taraar kula wareegeen Hotel Sugulle oo faras Magaalaha Waqooyiga Galkacyo u jira 5 KM dhinaca banaanka.

Jeneral Careeys wuxuu sheegay inuusan dagaalka joojin doonin uuna qaadi doono weeraro loogu aargudayo 52 Sarkaal oo looga dilay dagaalkii Galkacyo ee heshiiska laga gaaray.

Dagaalka ka dhacay Galkacyo waxaa labada dhinac uga dhintay dhalinyaradii dagaalameysay iyo dad rayida iyadoo dadka dhamaaday ay guud ahaan yihiin ehel iyo qaraabo aan mudneeyn in dhiigooda ama geeridooda lagu faano.

Dhinaca Galmudug waxaa ka dhintay Maxamed Shire Cigaal  oo ah Sacad ,Reer Barkhadle ,waxaa dhaawacmay Wiil Sacad ,Bahweyn ah oo la yiraa Cabdi Ciise, Wiil u dhashay Sacad Reer Hilowle oo la yiraa Saciid Dhagool, iyo Laba nin oo u kala dhashay Saleebaan iyo Ceyr Reer Caalin kuwaas oo aanan magacyadooda helin.

Gobolka Mudug wuxuu ka kooban yahay 5 degmo.

Degmadda Galdogob waxaa dega Leelkase, Degmadda Jariiban waxaa dega Cumar Maxamuud, Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere waxaa dega Habargidir halka Magaaladda Galkacyo la wada degan yahay.


Shabakada Galmudugnews.net Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. abdul aziz says:

    Hawiye turub baray!!!!!!! War kuwaan iska hadla oo waxay doonaan qorow ma waxad moodeen waagii wax lakala boobi jiray. Mxay tahay amal plaza? Amal plaza ma puntland baa lahayd.. Waa lagu qabsaday laba jeerba.. Waxad doonto ku hadal mooryaan ayaad tihiin. Reer baraxley xagey ku soo laaban ma guri baa u haray




Galmudug News Tv