Caafimaad-darada dhulalka qaboobaha ah

HORDHAC

Qoraalkan kooban kuma wada falaqaynka karno dhammaan dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dhulalka qabow, sidaas darteed waxaan xushay arrimaha iigula muhiimsan dhibaatooyinkaas, ahna kuwa ka dhasha fitamiin D yarida iyo cudurka Autism.

Inkastoo taariidhyahanadu sheegaan in cudurka Riketis-ka (Rickets, oo ka dhasha faatimiin D yarida) uu soo jiray, inta la xasuusto, illaa qarnigii labaad CD (AD); waxaa cudurkan loo aqoonsaday mid khatar ku ah bulshada waqooyiga Yurub xilligii warshadaha.

Qarnigii 17aad, nimanka la kala yiraahdo Whistler, DeBoot iyo Glissen waxay si kala gooni ah u ogaadeen in caruur farabadan oo ku noolayd magaalooyinka dadku ku badan yahay ee ciriiriga ah ee waqooyiga Yurub uu saameeyay cudur si aada lafaha u qalqaloociya, oo lagu garto dhammaadka lafaha dhaadheer oo balaarta, lugaha iyo laf-dhabarta oo qaloocda, tabar-darro iyo jilicsanaan murqaha ah. Haddaba jiritaan cudurkan lafaha curyaamiyaa wuxuu ku sii siyaaday waqooyiga Yurub iyo waqooyiga Ameerica xilligii kacaankii warshadaha, markaasoo magaalooyin ciriiriya, hawo wasaqaysanna leh aadka loo dagay,tusaale ahaan 90% caruurta wadamada Ingiriiska iyo Netherland waxay waxaa haleelay cudurkan.

Cudurkan wuxuu kaloo si gaar ah u saameeyay dumarka xilliga uur-qaad-ka ku jiray, wuxuuna sababay in lafaha miskuhu ay maroorsamaan, taasoo keentay inuu saro u kaco rafaadka iyo dhimashada hooyada iyo ilamaha labadaba waqtiga dhalmada. Dabadeedna waxaa soo ifbaxay qaliinka-dhalidda (caesarean section), oo si aada looga isticmaalay wadanka Ingiriiska.

Sanadkii 1822-kii, Sniadecki wuxuu arkay in caruurta ku nool magaalada Waarso (Warsaw) uu hayo xanuun badan oo Riketis ah, meesha caruurta ku nool baadiyaha magaaladaas uusan hayn xanuunku. Asagoo arigtadaa ka duulaya wuxuu ku dooday in iftiinka qoraxdu yahay wax lagu dawayn karo cudurkan. 1889kii, Ururka Caafimaadka ee Ingiriiska (British Medical Society) waxay sahmiyeen qaabka uu cudurkan u dhaco (hab-dhaca) (epidemioligal survey), waxayna xaqiijeen in arigtidii hore ay sax ahayd.

Laakiin nasiibdarro, kumayan guulaysan inay xaqiijiyaan in xanuunku la xiriiro la’aanta iftiinka qoraxda. Hal sano kabacdi, Palm wuxuu ku sameeyay baaritaan aad u baahsan dhammaan dhulkii hoos imaan jiray Boqortooyadii Ingiriiska iyo waliba dhulalka bariga (sida China iyo Japan), kaasoo ku saabsan hab-dhaca cudurka rickets, wuxuuna ku ogaaday muhimadda ay leedahay isudhigga qoraxdu. Wuxuuna ku booriyay in si wada-jir ah, oo aan lookala harin, qoraxda la isugu dhigo, talaabadaasoo ka hortag iyo daawaba u ah cudurka riketis iyo cuduro kale. Nasiibdarrose, si wanaagsan looguma baraarugin arigtiyadaas xeesha-dheer ee Sniadecki iyo Palm, waxaana ka soo wareegay 30 sano, markaasoo Huldschinski uu sharaxay in marka caruurta qabta riketis-ka loo dhigo shucaaca ka soo baxa nal ka samaysan meerkuri (mercury vapor arc lamp) ay si wanaagsan uga bogsoodaan cudurkan lafaha ku dhaca.

Horaantii waxaa caado ahaan loogu dawayn jiray cudurkan saliida kaluunka (cod liver oil), illaa laga soo gaaray 1920 markaasoo McCollum iyo saaxibadii ay ka dhexheleen vitamin D. Waxaa xigtay, in la ogaaday haddii shucaac loo dhigo cuntooyin kala duwan, in si wanaagsan loogu daawayn karo, loogana hortagi karo cudurkan, taasoo casriyaysay, dardarna galisay ka hortaga iyo dabargoyta cudurkan. 1930-nadii, waxaa lagu guulaystay xaqiijinta in vitamin D3 uu ku dhexsameeysmo jirka (maqaarka) dadka marka ay ku dhacaan shucaaca ka yimaada qoraxda (UVB).[1]


Shabakada Galmudugnews.net Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail [email protected]

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Galmudug News Tv